Dad ku dhintay dibadbaxyada Cameroon

mmada ammaanka ee dalka Cameroon ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen ilaa iyo todoba qof inta ay socdeen dibadbaxyo ay wadeen dad u ololeeya xuquuqda aadanaha oo ku baaqayay in xorriyad ay helaan gobollada Afka Ingiriisiga looga hadlo ee dalkaasi.

Dibadbaxyada ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo gobolkaasi ku yaal, kuwaas oo lagu xusayay sanadguurada markii lagu daray gobolka looga hadlo Afka Ingiriisiga ee Cameroon.

Maayirka magaalada Kumbo ayaa BBC-da u sheegay in todoba qof lagu dilay magaaladiisa, dadkaas oo shan ka mid ah ay ahaayeen maxaabiis la toogtay kaddib markii dibadbaxayaasha ay dab qabadsiiyeen xabsigii ay ku jireen.

Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay in la sii daayo maxaabiista laga soo qabqabtay dibadbaxyadii xiriirka ahaa ee dalkaasi ka dhacay sanadkii la soo dhaafay.

Maayirka ayaa sheegay in dibadbaxayaasha ay goobaha muhiimka ah ee magaalada Kumbo oo uu ka mid yahay qasriga boqortooyada ay ku hor lulayeen calanka ay isticmaalaan kooxaha u dhaqdhaqaaqa u gooni u goosadka.

Dibadbaxyo kale ayaa waxa ay iyana ka dhaceen qeyba kale oo ka mid ah gobollada looga hadlo Afka Ingiriisiga ee dalka Cameroon.

Wax u muuqday dhaqdhaqaaq lagu dalbanayo xuquuq wanaagsan ayaa isubadalay in si cad ay dadku u dalbadaan madaxbannaani, arrintaas oo dowladda Cameroon aanay aqbali doonin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *