Trump oo shaaciyay qorshahiisa canshuur dhimista

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay qorshaha waxa uu ku tilmaamay canshuur dhimistii ugu ballaarnayd taariikhda dalka Mareykanka.

Trump oo ka hadlayay gobolka Indiana ayaa waxa uu sheegay in uu doonayo in uu fududeeyo hannaanka canshuuraha si shaqooyin iyo maal badan looga helo gudaha Mareykanka.

Waxa uu sheegay in dadka dabaqadda dhexe iyo kuwa shaqaalaha ahi ay ka faa’iideysan doonaan qorshahani balse aysan ku jirin kuwa dakhliga badan uu soo galo.

Sidoo kale Trump waxa uu sheegay in canshuur dhimis loo sameyn doono ganacsatada.

Madaxweyne Trump waxa uu intaasi ku daray in mar dambe aysan jiri doonin canshuurta laga qaado hantida uu dhaxal ahaan qofka u helo iyo siyaabo kale oo canshuurta dadka looga qaadi jiray.

Trump ayaa xilligii uu ku jiray ololaha doorashada ayaa waxyaabihii uu ballan qaaday waxaa ka mid ahaa in uu isbadal weyn ku sameeyo qaabka canshuuraha dalka.

Taageerayaashiisa ayaa sheegaya in isbadalkaasi uu xoojin doono koboca dhaqaalaha Mareykanka balse dadka dhaliila siyaasadda Trump ayaa waxay ku doodayaan in arrintan ay horseedi doonto in uu yaraado kharashaadkii ay dowladda ku shaqeyn jirtay.

 

Xigasho BBCSomali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *