Guddiga Siyaasada Maakhir oo ka hadlay Arrimo badan

(Columbus- Badhan-online-   Guddiga Siyaasada Maakhir oo shir ku qabtay Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa Baaq u diray Shirkada DP-World   oo lagu wareejiyay Dekeda magaaalada Bosaaso & Dekedo kale oo Deegaankaasi ka mid ah.

 

War-Saxaafadeed ay Guddigu ku Saxeexanyihiin ayaa lagu sheegay inay Cawaaqib xumo keeni karto hadii aan laga fiirsan dhul-baraarsiga ay Puntland ku doonayso Lacag & Mashaariic kale oo aan Qaarkood Baarlamaanka la hor-keenin.

Guddigu waxay soo dhaweeyeen cid kasta oo Horumar la taaban karo ka qabtay Guud ahaan Somaliya Gaar ahaan Gobolada Puntland, waxana ay Bogaadinayaa cid kasta oo ku lug leh La dagaalanka Shar-wadayaasha Al-Shabaab ee ku Jira Buuraha Calmadow.

 

Guddigu waxay Baaq Caalami ah u direen Beesha Caalamka & dowlada dhexe ee Somaliya inay il Gooni ah ku eegaan Hashiisyada ay Galayso Puntand oo ah Maamul hoos yimaada Dowlada Dhexe.

 

Guddigu waxay Taageereen Dhismaha Jidka Ceel-daahir & Ceerigaabo oo ay ku tilmaameen Jid Hal-bowle u ah Bulshada somaliyeed Guud ahaan waxana ay is-garab taagayaan cid kasta oo Gacanta ku haysa.

 

Guddigu waxay Canbaareeyeen Doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Sanaag lagu doonayo in dadku u codeeyaan Somaliand iyaga oo Beesha Caalamka ugu baaqay inay Joogteeyaan la socdka & daba-galka Somaliland oo doonaysa inay Ja-juubto Shacab aan raali-ka ahayn Siyaasadooda taasi oo ka hor imanaysa Madax-banaanida Dadka .

 

 

Guddiga Siyaasada

Coll C/waaxid M.Hassan

C/salaan Burkuud.

Maxamed Ismail J.Qaray.

Dr Dhiiqaal.

Maxamed Cabdi Joog

Coll Fadal.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *