Deperani oo Abaal marin helay

Suxufiga Jama Y Deperani oo ah Wariye Somaliyeed oo Bulshadu jeceshay Barnaamijyadiisa ayaa  aqoon korarsi u Jooga Dalka Holand Gaar ahaan Amsterdam waxana soo dhaweeyay Jaaliyada somaliyeed ee Halkaasi ku nool.

 

Casho Sharaf & xog waraysi ka dib Jama Deperani waxa loo aqoonsaday Wariyaha Sanadka ee Somaliya isaga oo la Gudoonsiiyay Bilad sharaf oo ku Mutaystay Shaqo wanaagiisa & xaaladihii adkaa ee kaga soo shaqeeyay Somaliya oo ah dalka ugu horeeyay Aduunka ee lagu Dilo wariyaasha Sida ku cad diiwaanka Urur weynaha CPJ ee dalka Maraykanka.

 

Jamac Feyte oo ay Mudo dheer is yaqaaneen ayaa ku tilmaamay Bilada Deperani mid uu u qalmo isaga oo sheegay in Deperani uu yahay nin Hufnaan Wariyanimo & geesinimo leh waxa uu tusaale u soo qaatay inuu soo tabiyay ilaa dhowr Doorasho ee ka dhacay Somaliya uuna Goob joog u ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *