Somaliland:-Magac u yaal

(Badhanonline-Hargaysa)  Somaliland oo Madax-banaani sheegata weli dadka & Beesha Caalakuma kuma qancin sida Maamulkaasi Woqooyi Galbeed u shaqeeyo marka laga eego awoodaha Maamul ee Siyaasadeed.

Kuwa la jooga Somaliland ee Reer Sanaag maha kuwa metel magac ahaan Shacab weynaha reer Maakhir waa rag shaqa tegay oo qaarkood ay aabayaashood dileen Jabhadii Hubaysnayd ee NSM taasi oo Muuse Biixi Cadbi Hor-jooge u ahaa.

 

Gobolka Sanaag guud ahaan waxa ka socda Horumar la taaban karo’ hadii ay ahaan lahayd Jidka Ceerigaabo & Ceeldaahir & Jaamacada Magaalada Badhan oo ah Rugtii waxbarshado sare tii ugu saraysay ee gobolkaasi yeesho.

Waxa jira kuwa qori dable la wareegaya oo u shaqeeya Somaliland isla markaana doonaya inay carqaladeeyaan horurmarada ka socda Gobolka.

 

Xildhibaan Jiir Cismaan Bulqaas oo Maamulkaasi Woqooyi Galbeed mudo badan ka tirsanaa xisbiga Kulmiye waa ninka kaliya ee cabira aragtidiisa iyo sida uu u arko in Somaliland noqota xaafad Isaaq iska leeyahay, marar badan ayuu sheegay in reer Sanaag iyaga oo aan gacan dowli ah ku tiirsananyn ay iskood wax u qabseen waxana uu aad uga hadlay dhismaha Jidka Ceeldaahir oo ah Mashruuca ugu balaadhan ee Guud ahaan Somaliya haatan ka socda.

 

Badhan-Online waxay bilaabaysaa Maqaalo Taxano ah oo arrimahan la xidhiidha.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *