M.Caydiid & Cunbul oo raadinaya Afhayeenka Baarlamaanka Puntland

(Badhanonline-Garoowe) Guux Siyaasadeed oo balaadhan baa socda PL oo doorasho laysu diyaarinayo waxa socda xusul ku aadan galaalanka xildhibaanada imanaya 2019, durba xildhibanadii qaar baa Goboladii ku laabtay oo doonaya Saxeexa mar labaad isinkooda.

Meelaha aadka looga arkaya arintaasi raadinta xildhibaanada waxa ka mid ah Gobolka Sanaag oo rag Ganacsato ah ay doonayaa Xubinimo Baarlamaan kuwaasi oo qaarkood  xidhiidh wanaagsan la leh dowlada haatan jirta ee PL.

Maxamed Caydiid Jaamac dibad Gudooiyaha rugta ganacsiga PL waa nin Maal qabeen ah oo aad looga yaqaan gobolka & Puntland waxa uu ka mid yahay raga gacanta ku haya dhismaha Jidka Ceeldaahir & Ceerigaabo waxa lagu soo waramayaa inuu sanadka isku diyaarinayo Afhayeenka Baarlamaanka PL hadii uu ku Guulaysto Xubinimada Baarlamaanka.

Sidoo kale Maxamuud Faarax”Cunbul  oo ah Ganacsade & Siyaasi mar noqday Xildhibaan Dowladii Jabuuti ayaa doonaya Xubinimada Baarlamaanka”Cunbul ayaa Saxiib dhow la ah Suldaan Siciid C/salaam

 

Maxamuud Faarax Bile wuxuu Kaalin weyn kaga jirta Guddiga dhisaysa Dhismaha jidka Ceeldaahir waa nin Gobolka Mashaariic fara badan ka hir-galiyay waxay walaalo yihiin Gudoomiyaha Shirkada Sharaabka ee Ilotaango’

C/xakiin Xaaji Maxamed Dhoobo” oo dhowr jeer raadiyay Afhayeenka baarlamaanka PL waa nin Siyaasada aad uga soo dhex muuqda Sanadahan dabe waxa lagu xagliyaa inay aad u riixayaan Xukuumadii Hore ee Faroole.

Wuxuu ka soo Jeeda degmada Xingalool waa nin inta badan ay dhegaystaan Odayaasha deegaankaasi.

 

Ahmed Mohmed Jamac/ Bosaaso

badhanonlin@gmail.com

 

One thought on “M.Caydiid & Cunbul oo raadinaya Afhayeenka Baarlamaanka Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *