Gacan-yarihii Xasan Daahir ee Puntland 1993

Shiikhii ugu horeeyey ee argagixiso geliyey buuraha Calmadow ayaa  ka hor yimid amarkii wasiirka amniga Puntland, Cali Xaaji Warsame oo ka mid ahaa hogaamiyaashii ugu horeeyey ee argagixisada Soomaaliya ka jirta maanta  ayaa ka hor yinid amarkii looga hortagayey Alshabaab.
Cali Xaaji Warsame oo ah aasay Miinooyinka weli Caruurta & Haweenka ku laaya Buuraha Calmadow ayaa rajo ka qaba inuu Madaxtinimada PL hanto Sanadka 2019-
Waa Ninkii ugu horeeyay ee Al-Itixaad keena Puntland oo Nabada kuwaasi oo Biliqo & Boob u gaystay Warshadii Kaluunka ee Laasqoray oo ahayd Mashruucii ugu weynaa ee Geeska Afrika.

 

Fariintii Cali Xaaji Warsame ku Qoray Bartiisa xidhiidhka Bulshada ee (Facebook)

NASIIB-DARRO & SHARCI-DARRO

19 sano kadib, Puntland waxaa laga filayey in ay maanta joogto heer looga deydo xoriyatul-qowlka iyo ilaalinta xuquuqda qofka iyo bulshada waxayse mareysaa in lagu amro meheradaha iyo hoteelada in aysan qaban karin ama ogolaan karin shir siyaasi ah, waxayna u aqaansadeen in la qabto wax shir ah oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda mid ka hor imanaya amniga.

Waa sharci-darro warqadaasi, waxayna ka soo horjeedaa dastuurka Soomaaliya iyo kan Puntland, waxayna meel-ka-dhac ku tahay bulshaweynta Puntland iyo xaquuqda mawaadinka dastuurku ilaaliyey.

Sow ayaan-darro maaha in dowlad ku doodeysa in ay diyaar u tahay nidaamka xisbiyada badan ee dastuurka Puntland ku dhisan yahay ay qaado tillaabadaas caburinta ah, ee aysan reer Puntland marna u hogaansameyn.

Maxaa keenay baqdinta intaas le’eg ee ay dowladdu ka baqeyso in ay shacabku ka hadlaan siyaasadda, sow ma xusuustaan in caburinta shacabka hore loogu fashilmey?

Xigasho Allsanaag.com + Badhanonline.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *