Daily Archives: September 10, 2017

Hiiraan: Faahfaahin: Qarax kale oo ka dhacay Beeldweyne

Qof bom isku xirey ayaa isku qarxiyey maqaaxi yar oo ku taaley dhinaca guriga gobolka, waxaana inta badan fariisan jirey shaqaalaha iyo ilaalada gobolka.

Ugu yaraan laba qof ayaa weerarka lagu diley waxaana ku dhaawacmey 15 qof oo kale sida laga soo xigtey maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay in dhimashadu ay tahay laba qof iyo qofkii is qarxiyey.

Xiliga weerarku dhacaayey ayaa la sheegayaa in goobtaas ay ku sugnaayeen koox sufuxiyiin ah oo shaqo ku jirey waxaana ku dhaawacmey saddex suxufi oo u shaqeynaayey qaar kamid ah telefishanada Soomaalida.

Qaraxyadii Muqdisho sida ba’an uga dhici jirey ayaa u muuqda in ay u wareegeen magaalooyin kale, Maalintii Jimacada ayaa qarax kan lamid ah oo lala eegtey goob maqaaxi ah lagu diley afar qof.

Al-Shabaab ayaa sheegtey labada weerarba in ay ka danbeeyeen.

Shan Qodob oo Siciid Xasan Shire Puntland ku Hogaamin karo 2019-

(Badhan-Onlin-Garoowe) Oct 28, 2015 – Waxay reer Puntland Maalin xasuus Gaar ah mudan marka laga eego dhanka Siyaasada oo markaasi qalaalase xxoogan oognaa” Maalintaasi kor ku xusan ayuu Magalalada Garoowe kaga dhawaaqay Siciid Xasan Shire inuu baneeyay Afhayeenkii Baarlamaanka Puntland isaga oo u tudhaya Shacabka PL.

War-Saxaafadeed uu Gurigiisa Garoowe ku qabtay waxa uu ku sheegay in aanu la kulmin cadaasi Siyaasadeed balse marka uu meelo badan wax ka eegay uu qiimeeyay xaalada Siyaasadeed isla markaana garowsaday intii dalka Fooda Siyaasadeed & dibu dhac gali lahaa inuu Xafiiska baneeyo..

Dad badan oo Siyaasada Geeska ama tan Somaliya odorosa ayaa ku tilmaamay mid aan Siyaasiyiinta Afrikaanka ama xitaa kuwa Somalida oo Khilaaf ragaadiyay aan looga barin in Siyaasi Darajada intaasi leg gaadhay uu si sahal ah Xafiiska u baneeyo isaga oo aan Dhiig ku cadaadan…

 

Wixii ka danbeeyay Oct 28, 2015  Sanadkaasi Siciid Xasan Shire wuxuu ahaa nin Dalka ku Sugan marka laga reebo mar uu Sucuudiga u tegay Waajibaadka Cimrada hase ahaatii intii kale wuxuu ahaa dal Joog isaga oo aan Warbaahinta laga arag ama dhaliil & cunfi u jeedin Madaxdii Bedeshay waa Mid ku yar Siyaasiyiinta Somalida oo aan looga barin arinkaasi.

 

Siciid Xasan Shire waxa uu u Sharaxan-yahay Madaxtinimada PL Sanadka 2019- waxana uu Gudaha ka wadaa Abaabul Nabadeed oo loogu go-gol xaadhayo Siyaasad Jawi degen lagu soo dabaalay oo lagu doonayo Isbedel baahsan oo ka duwan kuwii hore ee PL lagu Bartay inuu qabsoomo horaanta Sanadka 2019.

 

  • 1–Aamin ah, oo aan xadin hantida Qaran ee lagu aaminay

2- Haysta dhaqaale Maaliyadeed oo aan Xafiisk u soo doonan inuu dhaqaale ka tabcado’

  • 3-Isku kalsoon oo Aaminsan in uu Talada dalka la wadaagi karo cid kasta oo tallo & Tusaale ugu timaada.
  • 4- Aan lahayn is-qaad & isla weyni Dhegaysta Bulshada qaybaheeda kala gadisan’ Alaabkiisu cid walba u furan-yahay qancin kara Mucaarada & Muxaafid.
  • 5-Wajihi kara qaabka ugu haboon ee Xasilinta dhaqaalaha & Nabada  Puntland’ (Siyaasada Furfuran u leh Gobolada Tabashado ka jirto Sida Gobolka Sool oo tabasho Beeleed kaga maqan Gacanta Puntland.

 

 

Ahmed Faarah Cali

Garoowe/

Gacan-yarihii Xasan Daahir ee Puntland 1993

Shiikhii ugu horeeyey ee argagixiso geliyey buuraha Calmadow ayaa  ka hor yimid amarkii wasiirka amniga Puntland, Cali Xaaji Warsame oo ka mid ahaa hogaamiyaashii ugu horeeyey ee argagixisada Soomaaliya ka jirta maanta  ayaa ka hor yinid amarkii looga hortagayey Alshabaab.
Cali Xaaji Warsame oo ah aasay Miinooyinka weli Caruurta & Haweenka ku laaya Buuraha Calmadow ayaa rajo ka qaba inuu Madaxtinimada PL hanto Sanadka 2019-
Waa Ninkii ugu horeeyay ee Al-Itixaad keena Puntland oo Nabada kuwaasi oo Biliqo & Boob u gaystay Warshadii Kaluunka ee Laasqoray oo ahayd Mashruucii ugu weynaa ee Geeska Afrika.

 

Fariintii Cali Xaaji Warsame ku Qoray Bartiisa xidhiidhka Bulshada ee (Facebook)

NASIIB-DARRO & SHARCI-DARRO

19 sano kadib, Puntland waxaa laga filayey in ay maanta joogto heer looga deydo xoriyatul-qowlka iyo ilaalinta xuquuqda qofka iyo bulshada waxayse mareysaa in lagu amro meheradaha iyo hoteelada in aysan qaban karin ama ogolaan karin shir siyaasi ah, waxayna u aqaansadeen in la qabto wax shir ah oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda mid ka hor imanaya amniga.

Waa sharci-darro warqadaasi, waxayna ka soo horjeedaa dastuurka Soomaaliya iyo kan Puntland, waxayna meel-ka-dhac ku tahay bulshaweynta Puntland iyo xaquuqda mawaadinka dastuurku ilaaliyey.

Sow ayaan-darro maaha in dowlad ku doodeysa in ay diyaar u tahay nidaamka xisbiyada badan ee dastuurka Puntland ku dhisan yahay ay qaado tillaabadaas caburinta ah, ee aysan reer Puntland marna u hogaansameyn.

Maxaa keenay baqdinta intaas le’eg ee ay dowladdu ka baqeyso in ay shacabku ka hadlaan siyaasadda, sow ma xusuustaan in caburinta shacabka hore loogu fashilmey?

Xigasho Allsanaag.com + Badhanonline.com

M.Caydiid & Cunbul oo raadinaya Afhayeenka Baarlamaanka Puntland

(Badhanonline-Garoowe) Guux Siyaasadeed oo balaadhan baa socda PL oo doorasho laysu diyaarinayo waxa socda xusul ku aadan galaalanka xildhibaanada imanaya 2019, durba xildhibanadii qaar baa Goboladii ku laabtay oo doonaya Saxeexa mar labaad isinkooda.

Meelaha aadka looga arkaya arintaasi raadinta xildhibaanada waxa ka mid ah Gobolka Sanaag oo rag Ganacsato ah ay doonayaa Xubinimo Baarlamaan kuwaasi oo qaarkood  xidhiidh wanaagsan la leh dowlada haatan jirta ee PL.

Maxamed Caydiid Jaamac dibad Gudooiyaha rugta ganacsiga PL waa nin Maal qabeen ah oo aad looga yaqaan gobolka & Puntland waxa uu ka mid yahay raga gacanta ku haya dhismaha Jidka Ceeldaahir & Ceerigaabo waxa lagu soo waramayaa inuu sanadka isku diyaarinayo Afhayeenka Baarlamaanka PL hadii uu ku Guulaysto Xubinimada Baarlamaanka.

Sidoo kale Maxamuud Faarax”Cunbul  oo ah Ganacsade & Siyaasi mar noqday Xildhibaan Dowladii Jabuuti ayaa doonaya Xubinimada Baarlamaanka”Cunbul ayaa Saxiib dhow la ah Suldaan Siciid C/salaam

 

Maxamuud Faarax Bile wuxuu Kaalin weyn kaga jirta Guddiga dhisaysa Dhismaha jidka Ceeldaahir waa nin Gobolka Mashaariic fara badan ka hir-galiyay waxay walaalo yihiin Gudoomiyaha Shirkada Sharaabka ee Ilotaango’

C/xakiin Xaaji Maxamed Dhoobo” oo dhowr jeer raadiyay Afhayeenka baarlamaanka PL waa nin Siyaasada aad uga soo dhex muuqda Sanadahan dabe waxa lagu xagliyaa inay aad u riixayaan Xukuumadii Hore ee Faroole.

Wuxuu ka soo Jeeda degmada Xingalool waa nin inta badan ay dhegaystaan Odayaasha deegaankaasi.

 

Ahmed Mohmed Jamac/ Bosaaso

badhanonlin@gmail.com

 

​Somalia: Puntland bars hotels from hosting anti-govt meetings

The Ministry of Security of Somalia’s northeastern semi-autonomous region of Puntland has on Saturday banned the hotels from anti-government meetings, Garowe Online reports.

A letter dated Sep.9, 2017, released by the Minister of Security and attached to the Presidency warned the hotels against hosting all conferences, aimed at criticizing the current government over its faults.

The Security Minister, Ahmed Abdullahi Yusuf has instructed the state Security agencies, the governors of regional and district administrations in Puntland to put the new order into practice immediately.

Yusuf added that Police ready to prosecute ‘anybody who breaks the order’ in effort to stop the anti-government gatherings at the privately owned hotels and other public places across Puntland.

“After having seen the increase of the secret meetings against the peace and stability of Puntland, we issued a new order barring conferences aimed at disturbing the region’s security,” read the statement.

This comes amid meetings in the major cities of Puntland against the weak policy that President Abdiweli Mohamed Ali “Gaas” is leading Puntland.

The people of Puntland have been complaining about Currency crises, hyperinflation, growing insecurity, and widespread corruption in President Ali’s government institutions and the top leadership.

The statement [In Somali].

Xigasho- GAROWEONLINE

Somaliland:-Magac u yaal

(Badhanonline-Hargaysa)  Somaliland oo Madax-banaani sheegata weli dadka & Beesha Caalakuma kuma qancin sida Maamulkaasi Woqooyi Galbeed u shaqeeyo marka laga eego awoodaha Maamul ee Siyaasadeed.

Kuwa la jooga Somaliland ee Reer Sanaag maha kuwa metel magac ahaan Shacab weynaha reer Maakhir waa rag shaqa tegay oo qaarkood ay aabayaashood dileen Jabhadii Hubaysnayd ee NSM taasi oo Muuse Biixi Cadbi Hor-jooge u ahaa.

 

Gobolka Sanaag guud ahaan waxa ka socda Horumar la taaban karo’ hadii ay ahaan lahayd Jidka Ceerigaabo & Ceeldaahir & Jaamacada Magaalada Badhan oo ah Rugtii waxbarshado sare tii ugu saraysay ee gobolkaasi yeesho.

Waxa jira kuwa qori dable la wareegaya oo u shaqeeya Somaliland isla markaana doonaya inay carqaladeeyaan horurmarada ka socda Gobolka.

 

Xildhibaan Jiir Cismaan Bulqaas oo Maamulkaasi Woqooyi Galbeed mudo badan ka tirsanaa xisbiga Kulmiye waa ninka kaliya ee cabira aragtidiisa iyo sida uu u arko in Somaliland noqota xaafad Isaaq iska leeyahay, marar badan ayuu sheegay in reer Sanaag iyaga oo aan gacan dowli ah ku tiirsananyn ay iskood wax u qabseen waxana uu aad uga hadlay dhismaha Jidka Ceeldaahir oo ah Mashruuca ugu balaadhan ee Guud ahaan Somaliya haatan ka socda.

 

Badhan-Online waxay bilaabaysaa Maqaalo Taxano ah oo arrimahan la xidhiidha.